erayo jaceyl soo jiidasho leh

0


erayo jaceyl soo jiidasho leh

APPLICATION ERAYO JACEYL AH HALKAAN KALASO DAAG 👉 PALYSTORE

halkaan waxaa idhinkuso gudbiin donaa erayo jaceyl soo jiidasho leh markastana aad uu isticmaali karto qofka aad jeceshahay wiil amaa gawaar sidaas ogeed waxaan erayada kafaidheysii wacaan.

erayo naxariis badan,

erayo naxariis badan oo jacayl,

erayo macaan oo shukaansi ah,

erayo romantic ah,

erayo jaceyl oo qalbiga taabanaya,

erayo jaceyl oo macaan,

Macaan erayo jaceyl ah oo soo jiidasho leh,

erayo jaceyl xikmad leh,

Application Erayo jaceyl waa diyaar waxaa ka heleysa playstore ama halkaan hoose kudufo 


APPLICATION ERAYO JACEYL AH HALKAAN KALASO DAAG 👉 PALYSTORE

  • Ma hubo sababta aad ii dooratay Lakin waxaan dareemayaa inaan ahaay qofka dunida ugu nasiibka badan waxaana rajeynaya inaan ku noolaado qaab cadeynaya inaan mudanahay sharaftaan


  • Waxaan maaliintii kaa fikira marna waxaa ay qaadaneysaa 24 saacadood. 


  • Waxaan rajeyn in maalintaadu ay aad u qurux badan tahay oo ay u dhalaaleyso sida dhoolacadeyntaada farhadda leh 


  • Waxaa tahay iftiinkeyga waxaa tahay muraayadii qalbigeyga waxaa tahay mustaqbalkeyga maanta iyo weligeedba. 


  • Markaan ku tabo waxaan daawada sawiraada waxaan galaa xusuus lakiin markan xusuusto anagoo wada joogno, waan iloobaa in aan kala fognahay. 


  • Xataa hadii xidiguhu ku guul_ dareystaan iney ifaan dayaxuna uu diido inuu iftiimiyo aduunka. 


  • Jaceylku waa sida xidigaha, waxaa loo saadaaliyaa sida riyada nolosha, tan iyo markii aan adiga ku arkayna nolosheydoo idil adigaa milkiyey. 


  • Haddii ubuxu yahay mid soo jiidasho badan adiga iiga udug qurux badan booska aad qalbiga ku leedahay aad buu qaali u yahay. 

  • Waxaad noqotay qofka qalbigeyga hantiyeey. 

  • Muhiim miyaan kuu ahay hadaba itusi Maa i jeceshahay hadaba aan dareemo si qaldan miyaan kuu fahmay hadaba ii sharax. 


  • Si daacad ayaan adiga kuu jecladay markasta garab kaga ayaan ahay. 


  • Haddii aadan jeceylkaaga ii balan qaadi Karin ugu yaraan haa isku dayin inaad I dhaawacdo. 


  • Waxa igu adag joojinta daqiiqadihi aan wada qaadaney waxaase taa iiga si Adag inaan ku waayo adiga runti xasuusteyda iyo maskaxdeyda ayaad meel adag ka degan tahay 


  • Waa jeclahay nolosheyda maxaa yeelay adiga ayaan ku heystaa waan ku jeclaahy maxaa yeelay waxaa tahay nolosheyda. 

APPLICATION ERAYO JACEYL AH HALKAAN KALASO DAAG 👉 PALYSTORE

  • Dadka sida dhabta ah isu jeceyl sii sahlaan Kuma kala haraan haddi ay jirto boqolaal sababood oo ay ku kala tagi karaan waxay helaan haal sabab ay ku wada joogi karaan. 


  • Waxa laga yaaba inaan ahayn jacelykagi ugu horeeyaay balse waxaan doonaya inaan noqdo kaagib ugu daanbeyey 


  • Haddii aad ogaan laheed jeceylka aan kuu qabo dhabtii waad ilmeen laheed waxaadna iga codsaan laheed in aan laabta ku gaaliyo.


  • Haddii aad ahaaan laheyd ilmada indhahayga maba aan ooyeeen  anoo ka cabsanaya inaan ku waayo adiga. 


  • Qof walba oo aan la hadlaya waxaan Mooda inaan ayada lahadlaya waa maxay sabaabta. 


  • Waan ku jeclaahy adigoo iidhow waan ku jeclaahy adigoo iga fog intaba adigaan ku jeclaahy 


  • Waligayga Kuma iloowi doona maalin walba iyo saacad walba ilaa ay geerida iga timaado. 


  • Aad iyo aad ayaan kuu jeclahay waxaa tahay nolosheyda iyo qalbigayga. 
  • Hadaad manta iga tagtay maalin maalmaha ka mid ah ayaa iiso noqonaysaa. 
  • Gaclisadaydii hadaad adiga ila joogin wax farxaad ah masameeyi. 

  • Waan ku jeclahay haddii aan ku dhaho macnaheedu ma ahaan in aan iska kaa dhahayo balse waxaan rabaa inaan ku xusuusiyo inaa tahay qofka dunida ugu wanaagsan ee aan arkay.
  • Goorta aad daafaha wareegeyso jirkeyga oo idil wuu yaqaaana. 
  • Waxad igu abuurtay dareen kasoo lamagac baxay itustay kalgacayl kaaso igeliyey farxaad.
  • Maalinta ugu quruxda badaan nolosheyda waa maalintaan adiga kula kulmay waqtiyada ugu wanagsaan ee nolosheyda waa daqiiqadihi aan adiga kula soo qaatay.
  • Waxaa laga yaaba inaad ka dareento qof inuusan ku qiimaynayn laakin ogsoonow markasta inaad qof kale u tahay qof kaale u tahay qof muhiim ah oo aad u qaali ha. 
  • Noloshu waxay ku Sabsan tahay inaad ku faraxsan tahay oo aad wax walba u qaatay qosol u fakir fiicaan. 
  • Mataano jacaylku mideeyey midhaha kalgacaylka wadaagay mawluhu ku manaystay wanaaga ayaa isla maala jacaylka. 
  • Runti aniga wan ku jeclahay inaan ku jeclahay waxaan ku ogaaday marwalba adiga ayaan kaa fakiraa.

Erayo jaceyl oo gaaban gaar ahaan kuwo romantic ah 

Sida ay indhaheyga u jecel yihiin iney daawadaan muuqaalkaaga ayuu qalbigeyguna u jecel yahey xusuustaada iyo inaad mar walbaa ku dhex jirto. 

Halheyskeyga waa magacaada mana garan karo sababtaasi laakiin waxaan ogahey inaa noolaha kuu jeclahey. 

Anigoo dhul oomane ah socda misana heysan wax biyo ah hadaan xusuusto jaceylka aad I siisey dhab ahaan waxaan iloobaa haraadka waxaana gala jawi farxadeed. 

Macaanto ma lihid saluug mana tihid sida noolaha oo kale waxaan aaminsanahey inaad wax dheertahey dhamaan aadanaha.


Erayo Xikmad leh 

1. Ha dhibsan qof ku jecel, waayo waxaa heysta dhib ka badan midka aad ka tabaneyso adiga.
Hadda aad Qalbi wanaagsan leedahay, ogow farxaduna deris beey kula tahay. 

2. Maska si walbuu u toxob siibto waa maskii uun, midaas xusuusnow inta aadan ogolaan dadka qaar inay dib noloshaada ugu soo laabtaan. 

3. Marka aad ku faraxsantahay qof, si qarsoon. Uma baahnid in aad ku muujiso Social-media, Dheymankuba way qarsadaan dadka heysta. 

4. Qof kasta qeyb wuu ka noqon karaa noloshaada, balse qof kasta qeyb kama noqon karo dhamaadka noloshaada. 

5. Ha igu oran waan kuu xiisay adigoon xitaa ogeyn xaalkeyga.
Nolosha taagan wax dhaama lawaa. 

6. Adiga, waxaad tahay qof wanaagsan, waxaad u qalantaa farxad in aad hesho, waxaad u qalantaa jaceyl, waxaad u qalantaa qof garabkaaga taagan mar kasta, waxaad u qalantaa nolol fiican inaad ku noolaato. 

7. Maalin waxaa noloshaada soo gali doona qof, kugu jecel sidaas ay tahay mar walbaa qiimeeya fikirkaaga, kuna faraxsan noloshaada heerka ay tahay. 

8. Waxaa tahay qofka kaliya inuusan iga tagin aan rabo, ha iga dheeraan Qalbi. 

9. Waxaa tahay nolosheyda qofna kuguma badalan karo. 

10. Waan iska aamusaa markaan maqlo wax dhaawacayo dareenkeyga.
11. Ha u murugoon hana u ilimeyn qof kaa dilay farxadaada, nolosha intaas way ka badantahay.
12. Ka tag wax walba laakiin waligaa haka tagin salaada.
13. Farxaddu ma'aha inaad hesho qof ku jecel balse waa in aad heshaa qof ku fahma xaalad walbaa. 

14. Jaceylku waa indho la,aan sababtoo ah hooyadey waxa ay ijcelaatay iyadoon i arag.
Kaliya dadka saxda ah ayaa kula joogi doono ilaa dhamaaadka. 

15. Qofna ma arko ilmadaada, murugadaada, xanuunkaaga laakin qof walbaa wuxuu arkaa qaladkaaga kaliya. 

1- Waxaan jeclahay marka aad seexato in aan kaa dhunkado sujuuda xitaa hadaad hurdeyso oo aadan ogeyn in aan ku dhunkaday, sababtoo ah jaceyl xad dhaaf ah kuu qabaa markaad soo jeefo iyo markaad hurdeyso intaba. 

2- Sababta aan farxada kuula wadaago waxaa laga yaabaa in aada dareensaneyn, blse ogoow dhunkashada waxey macaan noqotaa marka si wadajir ah loo qeybsado, farxaduna waa sidaas oo kale. 

3- Marka qaboobaha jiro dadku waxey shitaan dab si ay isku kululeeyaan, blse aniga waxan jeclahay in aad laabtaada i geliso si jirkeygu 
u kululaado, sidoo kale markey kululaadaan waxey shitaan mukeyf, lkn aniga waxaan jeclahay markan kululaado kaliya in ay isoo gaarto naftaada si aan u qabowsado. 

4- Iga raali noqo oo ha igu dhibsan mararka aan kugu iraahdo sir baan dhagta kuugu sheegayaa, ee marka aad dhagta ii soo dhaweysidna aan ku dhunkado, sababtoo ah dhunkashada lama filaanka ah wey ka farxad badan tahay dhunkashada la sugaayay. 

5- Guriga markastoon ka baxaayo wan murugoodaa sababta oo ah qofka aan ka tagaayo qiimaheeda ayaan ogahay marka 
aan shaqada ka soo laabanayana ayaad 
ayaan u farxaa, waayo qofta guriga iigaga horeyso sida ay nolosheyda u qurxiso ayaanan marna qalbigeyga ka go,eynin.

APPLICATION ERAYO JACEYL AH HALKAAN KALASO DAAG 👉 PALYSTORE

Post a Comment

0Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.
Post a Comment (0)

#buttons=(Accept !) #days=(20)

Our website uses cookies to enhance your experience. Learn More
Accept !