inaad gadhato domain iyo hosting oo aad sidaas kuu diyasata website kada waxaad ogaata qeybtaan lacag ayaad bixineysa
inaad sii free ah aad usameysata
inaad adhiga noqoto developer oo ad diisto website kada oo aad gadhato domain iyo hosting taasna waxa kubaxeysa lacag lasoco
markaan soqadhano midaa kowaad
Aaladaha farsamo ee aad u baahan tahay
Website ama blog si aad u samaysatid waxaad u baahan tahay
dhawr waxyaalood oo saldhig u ah aaladaha farsamo ee looga
baahan yahay hirgelinta blogga, waxaana ka mid ah: Domain – magaca website-ka in aad diiwaan gelisid, Hosting – oo ah meesha kuu marti-gelin lahayd website-ka, Go’aan in aad ka gaartid barnaamijka aad adeegsan doontid, sida
WordPress mase barnaamij kale, Naqshadda iyo muuqaalka uu yeelan doono website-ka
Qaybahaas loo baahan yahay waxaan u eegeynaa mid mid, si aan
sharraxaad kooban uga bixinno.
Domain – Magaca Websiteka
Waxa ugu horreeya ee go’aanka laga gaaro waa magaca website-ka
(Domain), kaas oo ah cinwaanka rasmiga ah ee loogu soo hagaagayo
blogga. Tusaale ahaan Higsii.com waa cinwaanka ama domainka ama rugta loogu soo hagaago website-ka Higsi.
Magaca aad u xulaneysid blogga waa in uu noqdo mid kooban oo si
fudud loo xasuusan karo.
Waxaana jira shirkado badan oo laga diiwaan geliyo magaca
website-ka. Adiga diiwaan gashaday ayaa yeelanaya mulkiyadda
website-ka. Haddii qofkale magaciisa ku diiwaan geliyo qofkaas
ayaa yeelanaya mulkiyadda website-ka, qofkaas ayaana mas’uul ka
ah waxkasta oo website-kaas lagu daabaco. Sababtaas la xiriirta
masuuliyadda ayaa keenta in qofkale uusan magaciisa iyo credit
card kiisa kuugu diiwaan gelin, waayo waa masuuliyad aan si sahal
ah loo qaadi karin.
Goobta laga diwaan gaaliyo magacyada Domain waxa ugu ficaan kuwaan
Hosting – Martigelin
Marka aad meel ku hubsatid magaca website-ka, tallaabada xigta
waa in aad go’aansatid meeshii kuu martigelin lahayd website-ka,
taas oo ah weelka ama rugta aad ku xerayn doontid macluumaadka
laga daalacan doono website-ka.
Barnaamijka WordPress
Waxaa jira barnaamiyo badan oo loo adeegsado agaasimidda,
maaraynta, iyo wax ku qorista blogga. Waxaana ka mid ah
WordPress, Joomla, Drupal, iyo kuwo kale. Waxaana ugu caansan,
oo loogu adeegsiga badan yahay, waa WordPress.
Waxaana jira WordPress.org iyo WordPress.com. Maxay ku kala
duwan yihiin?
WordPress.com
Waa qayb si toos ah looga samaysan karo Blog cinwaankiisu hoos
imanayo wordpress.com, halkaas oo kuu noqon doonta
martigeliyaha blogga. Waadna lacag la’aan ka diiwaan gashan
kartaa blog. Tusaale ahaan haddii aad ka diiwaan gelisid magaca
Feisal, markaa websitekaagu wuxuu noqonayaa
https://feisal.wordpress.com.
WordPress.org
Si aad u adeegsatid Barnaamijka WordPress.org waa in aad marka
hore leedahay domain, sida Higsii.com, islamarkaasna aad
kiraysatid martgeliye/hosting. Markaas ayaa lagu rakibaa
Barnaamijkaas oo laga soo rogto WordPress.org, kaas oo websiteka
u noqonaya matoorkii uu ku shaqaynayey.
Waxaadna xor u tahay in
aad u samaysid muuqaalka aad doontid adigoo adeegsanaya
naqshadda (Theme) aad rabtid, ha noqoto naqshado lacag la’aan
laga soo rogan karo WordPress.org, ama kuwo lacag ah oo si gaar ah
laguugu sameeyo ama aad u samaysatid.
Naqshadda – muuqaalka guud
Muuqaalka uu yeelanayo blogga waxay ku xiran tahay barnaamijka
aad dooratay, sida WordPress.org, nooca farsamo, xirfadda, iyo
dookhaaga.
Ayadoo naqshaddu ay muhiim tahay, oo ay ka qayb qaadato soo
jiidashada indhaha akhristaha, waxaase kasii muhiimsan xogta iyo
macluumaadka aad ku qori doontid in ay noqdaan kuwo faa’iido
leh, oo anfacaya ummadda.