xikmado & xikmado nolosha iyo murti

0

 Dowload xikmado app 

👇👇👇👇👇👇👇





Waxaa Doqonimada Kamid ah in aad iska nacdid Qof Madaama aad ka Maqashay Dadkale Iyagoo xumaan ku sheegaya Qofkaas.

In aad Da' ahaan uweynaatid Waa sheey uu ruux weliba ku qasban yahay,
Balse in aad Caqli ahaan uweynaatid Baa ah mida uu Qofku iqtiyaar uleeyahay.

Iska indho-tirku waa aargoosiga ugu Fiican,
Sidoo kalena Waxey Sadaqo Socaneysa utahy kuwa Ka aradan Aadaabta.

Doqonimadu waa in aad Garaneysid Xaqiiqada Hadana aad arkeyso Xaqiiqada Balse Aad weli ku soctid In aad rumeysatid Beenaha.

Ruuxi unoolaada In Uu Daboolo Baahiya Dadka,
Allaah ayaa Baahiyahiisa Daboola.

Nolosha gudaheeda...
Hadii Aadan Dharbaaxada hore Wax Ku Baran dharbaaxada labaad waad Mudan tahy.

Ceeb ayeey kugu tahy In aad Xaqiiqo ahaan Bakeyle Tahy, Lkn Baraha bulshada aad libaax iska dhigtid.

Afar arimood waxey kaa dhigayaan Inaad hogaamiye unoqotid dadkaaga:
Aadaabta, aqoonta, dhowrsanaanta iyo amaanada.

Qofkii ku daryeela daryeel, inta kalena salaantu ha idinka dhaxayso

Gaajada, jeeb-marnaanta iyo qalbi-jabkuba waxay u dhigmaan cashrada ugu muhiimsan nolosha.

Markaad Saxan tahy Cidna Kuma sheeg-Sheegeyso, Markaad qaldanto Cid Ku ilooweyso majirto.

Ha Nicin Ruuxa adiga Kaa maseera, Ku Ixtiraam Maseerkiisa, Waayo Maseerkiisa ma ahan illaa In uu Ogaaday Mooye in aad adigu ka fiican tahy isaga.

Markuu caaqilku Dayaxa Tilmaamo, Jaahilka Farta Ayuu Fiiriyaa.

Ma suura galeyso inaad tirto qaladaadkaaga,
Intaad ku socto isla dariiqii aad qaladka ku gashay.

Post a Comment

0Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.
Post a Comment (0)

#buttons=(Accept !) #days=(20)

Our website uses cookies to enhance your experience. Learn More
Accept !